GAZA β
Israaβiil ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in 24 askarteeda ah looga dilay Marinka Gaza, halkaasi oo ay kula dagaalamayaan ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta.
Waa mid ka mid ah maalmihii ugu xumaa ee soo mara ciidamada Israaβiil tan iyo markii uu bilowday olalaha ay Israaβiil sheegtay in ay ku ciribtireyso kooxda Xamaas.
Faahfaahinta warkan waxaa soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

