Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

    January 13, 2026

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Dhacdo cusub: Saynab Xuseen oo ninkii dilay lala aasay

    Dhacdo cusub: Saynab Xuseen oo ninkii dilay lala aasay

    By radiohalgan.comMarch 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Deegaanka Wanlaweyn ee gobolka shabeelada hoose maalinimadii shalay ayaa waxaa lagu dilay Saynab Xuseen Cumar oo ahayd hooyo dhashay 3 carruur ah, dilkeedda waxaa gaystay Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ahaa nin ay horey u isku qabeen Saynab.

    Dilka gabadha ayaa sababay muran dhexdooda ka dhashay oo muddo socday intii u dhaweydna ay ka war hayeen. Shalay xilligii uu dilka gaysanaayay Cabdullaahi waxuu wacay xaaskiisii hore oo saddex carruur ah u haysay isagoo u sheegay in uu carruurta rabo in uu u iibiyo dharka ciidda.

    “Waxaa naloo sheegay in muddo ah in uu muran ka dhexeeyay labadooda kaas oo ku saabsanaa inuu u laabto [Dib aan isku guursanno] iyaduna ay diidanayd, “haddii aad i diiddana ma sii noolaanaysid” uu ku yiri maalmo hore loo soo dhaafay ayaan hadda warbixinta ku helay” ayuu yidhi Maxamed Axmed Xaaji Mukhtaar (Gacmadheere) Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn.

    Markuu dilka gaystay ayuu iskaga baxsaday goobtii waxaana ka dabo tagay ciidamada amaanka iyo qaar kamid ah ehalada ninka dilka gaystay oo rabay in ay soo qabtaan si cadaaladda loo hor keeno, balse waxaa isna la soo dilay ninkii gabadha dilay kadib markii uu rasaas ugu jawaabay ciidamadii ka dabo tagay, sida uu sheegay Gacmo dheere.

    “Annaga in aan soo qabanno oo cadaaladda hor keenno ayuu waajibkeenna ahaa [midkii ugu weynaa], laakiin qofkii hadduu dagaalamay ciidankii amaanka iyo reerkiina xabbad kala hor imaaday meesha biyo laguma cabaayo ee rasaas baa dhacday – rasaas baa loogu jawaabay, wayna haleeshay.”

    Ayuu yidhi Maxamuud Cabdullahai Xuseen (Abookey) oo ka mid ah ehalada wiilka kana mid ahaa dadkii qaraabada ahaa ee rabay ninka in ay soo qabtaan.

    Wanlaweyn

    XIGASHADA SAWIRKA,HIIRAAN ONLINE

    Ninka gabadha dilka u gaystay waxuu ahaa shacab balse qori iibsaday markii uu dalka kusoo noqdayba. Waxuuna gabadha ku dilay fagaare magaalada dhexdeeda ah oo dadku ay wada arkayaan xilli maalin cadeey ah.

    Maxamuud Cabdullaahi waxuu aaminsan yahay in dhibaatadaan oo kale ay sabab u tahay badqab la’aanta caafimaadka maskaxeed ee dadka taas oo aan inta badan lagu baraarugsanayn.

    “Burburkii dalka ka dhacay waxaa sidoo kale dadka ku dhacay xanuunno (dhimirka ah) qof walbana wuu xanuunsan yahay, umaddiina waxay u baahan tahay wacyi gelin badan in loo sameeyo” ayuu yidhi isaga oo sharaxaya arrintaan dhacday.

    Maxamuud wuxuu codsanayaa in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeedba ay ka sameeyaan hub-ka-dhigis dadka shacabka ah si looga hortago dilalka noocan oo kale ah.

    “Waxaan ka codsanaynaa dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeedba in ay xasillin ka sameeyaan deegaanadaan, hub ka dhigisna dadka lagu sameeyo”

    Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn Maxamed Axmed Xaaji waxuu sheegay in maadaama uu gacan ku dhiiglahii gabadha dilay isna la dilay bulshada ku dhaqan magaalada ay u tahay wax walaacii dhacdada foosha xumeyd ka tiraysa.

    “Ninkaas haddii uu maanta baxsan lahaa ama la hoosaasin lahaa aad bay [bulshada] walaac ugu abuuri lahayd, maadaama gacan ku dhiiglihii gabadha dilay shalay labadoodaba laysla aasay bulshada reer Wanlaweyn aad bay usoo dhaweeyeen”.

    Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ah ninka Gabadha dilka u gaystay ee isna la dilay waxay kala tageen isaga iyo gabadha uu dilay labo sanno ka hor, wuxuuna aaday dalka Sacuudiga.

    Tan iyo soo noqoshadiisii ayuuna gabadha kala hadlaayay sida la sheegay in ay dib isku guursadaan isaga oo ku handaday xitaa cid kale in aysan shukaansan karin. Wararka qaar waxay sheegayaan in gabadha ninkaas ay qaraabo yihiin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

    January 13, 2026

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

    January 13, 2026

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.