Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo xoogga saartay dib u dejinta qoysaskii kasoo Barakacay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas kuwaas saameyn taban ay ku reebeen Abaarta & Daadadkii is xigay waxa ay billowday qorshe ay ku gacan-qabaneyso Qoysaskaas.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in qoysaskaas ay u qaybisay dhowr Neef oo Ari ah maadaama markoodii hore ay ahaayeen Xoolo Dhaqato balse musiibooyinkaas dabiiciga ah ay ku waayeen xoolihii ay dhaqanayeen.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamed Nur Cali Nuuraani ayaa tilmaamay in qorshahaan ay la kaashadeen Hay’ado samafal oo ballan-qaaday in ay kaalintooda ka qaadan doonnaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Nuuraani ayaa intaas ku daray in ay u baahan yihiin garab istaag lagu siiyo sidii ay usii kordhin lahaayeen gargaarkaan oo muhiimad gaar ah u leh qoysaskaan si deegaannadooda ay dib ugu laabtaan iyaga oo aanay Gacmo marneen si aysan u gelin xaalado kale oo dhanka Nolosha ah.
“Dadka aadka Abaaruhu u saameeyeen waa kuwa Xoolo dhaqatada ah oo inta badan Noloshoodu ku tiirsan tahay Xoolahaas ay dhaqdaan, Ka Dowlad-Goboleed Jubbaland ahaan waxa aan caawinay qoysas badan innaga oo u qaybinay dhowr neer oo Ari ah” Ayuu yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha DG Jubbaland, Maxamed Nur Cali Nuuraani.
Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa ay kamid tahay deegaannada inta badan saameynta taban ay ku reebeen Abaaraha iyo Fatahaadaha, Qoysaskaan qaarkood ayaa ku go’doomay Deegaannadii ay ku noolaayeen inkasta oo Doomo looga soosaaray.