Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » DG Hir-Shabelle oo shaaciyay cida ka mas’uulka ah Colaadaha ka taagan deenada maamulka

    DG Hir-Shabelle oo shaaciyay cida ka mas’uulka ah Colaadaha ka taagan deenada maamulka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Hirshabelle.

    Wasiirka ayaa sheegay in Shabaabku ay ka masuul yihiin colaadda u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ee maalmihii ugu dambeysay ku dagaalamayay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

    “Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” Ayuu yiri Wasiirka.

    Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Shabaabku waxay ka shaqeynayaan in mar walba ay dadkii deriska ahaa, beeraleyda iyo xoolaleyda ahaa ay isku dhacaan, si looga mashquulo dagaalka ayaga ku wajahan.”

    Waxa kaloo uu yiri “Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa.”

    Dhanka kale Wasiir Karoore ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay haatan wadaan dadaalo loogu kala dab qaadayo beelaha walaalaha ah, dadaaladaas oo sida uu sheegay ay qayb ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka ee labada gobol.

    Wasiir Karoore ayaa beelaha deegaanka kula dardaarmay in ay ka feejignaadaan dhagarta Shabaabka, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in ay dhexdooda dagaalamaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.