Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku baxay xal u helista dilalka la xiriira aanooyinka ee muddooyinkii dambe kusii kordhayay deegaanno katirsan xadka ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Sida ay Mustaqbal kasoo xigatay ilo kala duwan, mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo kulan ka yeeshay arrintaan ayaa go’aamiyay in wax laga qabto dilalkaan gaadmada ah ee sii kordhaya.
Howshaan xal raadinta ah waxaa qayb ka ah Maamullada Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qudhooda raadinaya Odoyaasha dhaqanka si ay ula kaashadaan soo qabashada Dadka hubeysan ee baxsada marka ay dilal geystaan kaddib.
Saameynta Dilalka aanooyinka ayaa laga dareemayaa deegaannada & Degmooyinka isku dhow ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan maadaama haddii aan xal loo helin arrintu faraha kasii bixi karta sida hadlaka loo dhigay.
Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa horay u sheegtay in lala xisaabtami doonno qof weliba oo la ogaado ama lagu qabto isaga oo ka shaqeynaya iska hor keenista Dadka deegaanka ah si looga hortago colaad ku dhex faafta.
La soco wixii kasoo kordha