Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.
Kulamada qabsoomay waxaa qayb ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Soomaaliya.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah guddiga, waxaana shir guddoominayey Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar Balcad.