Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay awaamiir cusub ayaa sheegtay in sanadkaan Ardayda galeysa Imtaxaanka Qaranka ee ku yimaada xaaladaha degdeg ah in aysan gali doonin Imtaxaanka.
Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta ahna Guddoomiyaha guddiga imtixaanka Qaranka Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa Seddex farriimood oo muhiim ah u diray ardayda sannadkaan imtixaanka galeysa iyo waaliddiintooda
Agaasimaha ayaa fariinta koowaad uu ardayda la wadaagay ku sheegay in sanadkaan imtaxaanka lagu soo kordhiyey maadada ICT oo markii ugu horreysay ay la qaadayo, ka dib markii afar sanno ka hor lagu soo daray manhajka dugsiga sare.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in sanadkaan la joojiyey in arday aan loogu geyn doonin imtaxaanka guriga ama Isbitaal kuwaas oo la kulma xaalado degdeg ah sida xanuuno ama in ay gabdhaha xilliga Imtaxaanka uu ku soo aado iyaga oo umul ah.
“Sanadkaan Imaxaanka in aan arday loogu geyn doonin Isbitaal iyo guri midna, ardayda ay xaaladahaas ku dhacaan, guddiga imtaxaanaadka Qaranka ayaa xal u raadin doona Imtaxaanka marka uu dhammaado ka dib, laakiin arday waxa ay u baahan yihiin markii ay xaaladdaas ku timaado in ay la xiriiraan xafiiska imtixaanaadka dowlad gobaleedka ay markaas ku sugan yihiin, wixii caddeymo ah halkaas u gudbiyaan si hadhaw loola soo xiriiro,” sida uu yiri Guddoomiyaha guddiga imtixaanka Qaranka Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar
Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta ahna Guddoomiyaha guddiga imtixaanka Qaranka Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa dhanka kale waalidiinta dhalay ardayda sanadkaan faray in ay hubiin in ardaydooda ay ka tirsan yihiin ardayda sanadkaan u fadhiisaneysa imtaxaanka, lana xiriiraan dugsiga uu dhigtay si ay u hubiyaan.