Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saddex arrin u ballanqaadday Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee isu dhiibay kuwaas oo intooda badan laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho laguna xareeyay xeryo gaar ah.
Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in saddex arrin ugu horreyn loo qabanayo Ciidamadaan maadaama ay ka baaqsadeen dagaal gelin uu u qorsheeyay Axmed Maxamed Islaam Madoobe sida hadalka loo dhigay.
Saddexda Qodob ayaa kala ah:
1aad: Ciidankaan ayaa maraya diiwaanka Ciidamada Dowladda Federaalka oo waxa ay taasi ka dhigan tahay in ay u wareegayaan dhinaca Federaalka kana mid noqonayaan ciidamo si toos ah u hoostaga Dowladda Federaalka.
2aad: Waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamadaas siineysa nambarka diiwaangelinta askariga si mushaarkiisa si toos ah ugu qaato, waxaana ciidankaan ay lamid noqonayaan ciidamada kale ee nambarkaas lacagta ku qaata.
3aad: Derajo siinta ciidamada Dowladda iyo Saraakiisha hoggaamineysa, qodobkaan waa kan saddexaad ee xubnahaan ay mari doonaan sida ay sheegeen saraakiisha katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ciidamo isugu jira Kumaandooska gaarka u tababaran ee Gorgor iyo Booliiska Haramcad geysay Gobolka Jubada Hoose waxa ay saldhigteen Magaalada Xeebta leh ee Raaskambooni.
Ciidankaan muddada kooban ay joogaan Magaalada Raaskambooni waxaa isku dhiibay Ciidamo iyo Saraakiil katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxa ay intooda badan Kismaayo uga baxeen Doomo ku buufsan shabadda Dowlad-Goboleedkaas