Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka hadlay Qaraxii shalay lala eegtay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud, kuwaas oo gaaraya tiradooda illa lix xubnood.
Wasiir Fartaag oo qoraal soo dhigay barta Twitter ee hadda loo yaqaan X ayaa sheegay in weerarkaan uu taabtay quluubta shacabka Soomaaliyeed, waxa ugu baaqay laamaha amniga in ay si degdeg ah uga howlgalaan dhacdadaan, si ay baaritaan ugu sameeyaan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in galinkii dambe ee shalay lix qof oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu diley qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka Muqdisho.
Qaraxa ayaa shirkaddu ku sheegtay in uu, “aad u xooganaa ahaana miinada nooca dhulka lagu aaso” ayaa haleelay gaari ay wateen shaqaalaha Shirkadda, xilli ay ka baxeen xarunta shirkadda ee deegaanka Garas-Baaley, Kuna sii jeedeen xarunta Hormuud ee degaanka Ceelasha Biyaha oo ah halka ay ka howlgali jireen.
Magacyadda Shaqaalaha ku dhintay qaraxa ayaa kala ah: Xuseen Macalim Cabdi Weheliye, Maxamed Cabdule Wardheere, Maxamed Axmed Wehliye (Gabaxeey), Cabdikarim Cusmaan Cabdi, Cabdinasir Axmed Maxamuud, iyo Cabdifitaax Nuure Cabdi Fiidow.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, balse wuxuu imaanayaa xili 19kii bishii lasoo dhaafay qarax lagu burburiyay laanta Hormuud ee aaga Daallo ee degmada Howlwadaag. Sida lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda.
Radio halgan