Wasaarada cafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay xaalada cafimaad ee wadanka ka jirta iyo sida ay ugu diyaarsanyihin in ay ka shaqeyso cafimaadka bulshada soomasliyeed.
Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Aadan ayaa guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen howl-wadeenada Wasaaradda, kaasi oo looga hadlay la socodka xaaladda xanuunka Furuq Daanyeerka ee (Mpox).
“Xanuunka weli laguma arag gudaha Soomaaliya, waana u diyaar garownay, ma jiro wax la shaacin karo iyada oo aysan oggeyn wasaaradda caafimaadka Xukumadda Federaalka” ayuu yiri Wasiir Cali
Sidoo kale, wasaarada ayaa sheegtay in ay goobo cafimaad u diyaarisay si looga hortago xaalad kasta oo xanuunka Mpox, haddii lagu arko dalka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Hay’adda WHO ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo la xiriirta xanuunka Furuqa Daanyeerka oo si weyn ugu faafaya qeybo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Congo iyo wadamada u dhaw.