Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » DF oo shaacisay hal mid oo Itoobiya ay ka aqbaleyso iyo mid aysan abid ogolaan doonin

    DF oo shaacisay hal mid oo Itoobiya ay ka aqbaleyso iyo mid aysan abid ogolaan doonin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 13, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo. 

    Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan. 

    Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. 

    Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa soo jeedisay heshiis badeed sharciyeynaya sida dalalka gobolka ee aan badda lahayn ay ku heli karaan dekado loo marayo heshiis ganacsi, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah. 

    Kahor inta aan laga wada-hadlin helitaanka dekad laga heshiiyo, Itoobiya waa inay marka hore nasakhdaa heshiiska Somaliland, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Balcad. 

    “Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan,” ayuu yiri Cali Balcad. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay gelitaanka heshiis ganacsi badeed si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda.”

    Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho hindisayaasha haddii ay waafaqayaan danaha dalka oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanideena, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada.”

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa diiday inuu ka hadlo warka cusub ee kasoo baxay Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.