Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » DF oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay

    DF oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 19, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

    Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka.

    Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi.

    Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi doona ganaax maaliyadeed oo isugu jira mid aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xad-gudub kasta oo u sameeyo.

    Sidoo kale waxay wasaaradda sheegtay in ganacsadaha u hoggaansami waaya muddo hal maalin ah hanaanka canshuur bixinta iibka uu ku dhacayo ganaax aan ka yareyn shan boqol oo dollar Mareykan ($500).

    “Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood ah ama aan ka badneyn afar sano oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka canshuuraha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

    Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda;

    1- Si waafaqsan Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga waxaa ganacsi kasta ku waajib ah inuu isticmaalo Koonto ganacsi (Merchant Accounts) dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi ee iibinta badeecadaha iyo adeegyadda.

    2- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu gadis kasto oo uu sameeyo ku daro qiimaha Canshuurta Gadidda (5%), oo ah qiimaha badeecadda ama adeegyadda uu iibinayo.

    3- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu ku wareejiyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda faah-faahinta koontooyinkiisa ganacsi (Merchant Account Details) ee ka furan shirkaddaha kala gedisan ee lacag-dirista si ay u sameeyaan diiwaangelin iyo xog-keydin.

    4- Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin inuu dhaq-dhaqaaqyadiisa ganacsi u istic- maalo adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts), waxaa ku dhacaya Ciqaabahaa soo socda si waafaqsan Qodobka 37aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga:

    Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah.

    Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha.

    Ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.