Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maalmo ka socday gobolka Gedo, magaaladaas waxaa horay u joogay maamul taabacsan Jubbaland oo ciidamada Itoobiya ay ku difaacayeen.
Shalay ayuu si rasmi ah xilka guddoomiyaha degmada Baardheere ula wareegay Ismaaciil Qorax oo guddoomiyaha gobolka Gedo oo raacay dowladda federaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabeen.
Isbedelka maamul ee ka dhacay Baardheere, iyadoo uusan dhiig ku daadan ayey dowladda Soomaaliya la wareegtay, ciidamada Itoobiya oo cadaadis la saaray ayaa ka qeyb qaatay wareejinta magaaladaas.
Ciidamada Itoobiya ayaa loo cadeeyey in hadii ay hor istaagaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere, awood ciidan lagu hirgelinayo go’aanka dowladda, waxaana bilowday qorshe lagu kala furfuray maamulkii degmadaas u joogay Axmed Madoobe.
Ciidamada Itoobiya ayaa codsaday in magaaladaas ay sii joogaan, sidoo kale waxay codsadeen in loo dhaafo nin maareeye ka ah garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, iyagoo balan-qaaday inta kale ee maamulka degmadaas iyo isbedelka lagu sameynayo aysan faragasha doonin.
Maamulkii Axmed Madoobe taabacsanaa ee joogay degmada Baardheere oo careysan ayaa isaga tegay degmadaas, balse Axmed Madoobe wuxuu weli xukumaa Doolow oo madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Amniga Jubbaland ay joogaan, waxaana suurtagal ah in dowladda federaalka ay degmadaas kula wareegto qorshe lamid ah kii ay maanta kula wareegtay Baardheere.