Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa ku amartay Xawaaladaha iyo Shirkadaha kale ee ganacsiga inaysan adeegyadooda u adeegsan karin magaca “Somaliland”, isla markaasna ay kaliya ku soo koobaan magaca Soomaaliya.
Baraha internetka ee xawaaladaha sida Dahabshiil, Galaxy Tranfer, Pay sii iyo qaar kale marka ay tilmaamayaan goobaha ay ka howlgalaan waxay siyaabo kala gooni ah ugu xuseen Somalia iyo Somaliland.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili saacado ka hor shirkadaha dayuuradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ay hogaansameen amar ka soo baxay dowlada Somalia oo sheegayey iney barahooda inernetka ka tiraan Somaliland oo ka mid ah goobaha ay ka howlgalaan ayna isticmaalaan Somalia marka marka ay tilmaamayaan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo kuwa kale ee Somalia.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA