Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » DF iyo maamullada oo ku heshiiyey 5 qodob oo masiiri ah iyo Puntland oo ka maqan

    DF iyo maamullada oo ku heshiiyey 5 qodob oo masiiri ah iyo Puntland oo ka maqan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 8, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

    Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban 5 qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

                  Qodobada lagu heshiiyay

    1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭):

    Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18-aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024, si waafaqsan tilmaamaha heshiiska.

    Waxa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.

    2)𝐐𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐦𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (𝐋𝐀𝐂):

    Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Kulanku wuxuu isku raacay soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/hey’ad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayo uu abuurayo iyo lambar lagu hubinayo.

    3)𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨 𝐟𝐢𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞:

    Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta si sax ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.

    4)𝐐𝐨𝐫𝐦𝐨 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚:

    Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Mas’uuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore go’aamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023.

    Falanqeyn dheer kadib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kastaa gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.

    5) 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐑𝐂𝐑𝐅-𝐈𝐈𝐈:

    Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC.

    Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.