Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa billaabay dedaallo xal loogu raadinayo Dagaal beeleed ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose si loosoo afjaro xiisaddaas.
Xubno uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo qayb ka yihiin saraakiil ciidan ayaa tagay Deegaanka Nambar Konton iyo deegaanno kale u dhow si waanwaan loo billaabo loona soo afjaro xiisadda.
Rajo ayay ka muujiyeen in xal waara loo helo dagaalladii dhacay si dadka deegaanka ay u dareemaan xasilooni iyo in ay kusii nagaadaan deegaannadooda maadaama cabsida ugu weyn ay heysato ay tahay in la beegsado.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in uu gacan adag ku qabanayo maleeshiyaadka hubeysan ee dagaalama iyo dadka ka shaqeeya iska hor keenista beelaha walaalaha ah ee deegaanka ah.
La soco wixii kasoo kordha