Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xidhitaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay “in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada”.
Hadalkan ayaa imanaya muddo dhinacyadu isku diiddanayaan sida wax u socdaan, weedhaha hawada la isu marinayeyna ay ahaayeen kuwo sidan ka duwan.
Waxaana u danbeeyey go’aankii Puntland ay ku dhawaaqday bishii March oo ay ku sheegeen in ay gaadheen go’aan siyaasi ah, kaas oo golahooda wasiirrada ay kalsoonidii kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, xilligaas oo baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.
Hadalka Deni ee maanta ayaa se u muuqday in markan uu qorshahoodu yahay wadahadal.
“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Allaha idmo. Garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeeynu usii wadaynaa“ ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland waxa kale oo ka hadlay sida dawladdiisu diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isla markaana ay garnaqasanayaan.
“La isma muquunin karo, la’ ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale in sharciga la dhawro, isagoo ku baaqay in la wadahadlo.
Muxuu ka dhigan yahay hadalkani?
Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya qaar ayaa ku doodaya in arrintani hadda u muuqato mid wax soo dhawaynaysa oo dhinacyadu ay ku kulmi karaan.
“Xaaladdii taagnayd marka loo eego waa war soodhaweyn ku wanaagsan. In waddada ah in la wada hadlo, in la isu yimaaddo, albaabkeeu in uu marnaba xidhmo kuma wanaagsana dawlanimada“ ayuu qabaa Axmed Shire Axmed oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista ee Hangool ahna bare iyo cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda PSU.
Axmed ayaana ku doodaya in markii hore labada dhinac u muuqdeen kuwo isku diiddanaa dano shakhsi ah, haddana ay u muuqdaan kuwo ka tanaasulay arrintaan.
“Midna ma sheegin, waxa ay iksu diideen ee ay ku kala kaceen, markaa waxa muuqataa in marxalad gaar ah oo labadooda u dhaxaysa ay ku kala duwanaayeen, hadda tii shkahiga ahayd in lagu soo daalay baad mooddaa. Kolkaa dawladnimadaa waa lagu kala aragti duwanaan karaa waa na la isfahmi karaa. Taasaana hadda muuqataa“ ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Shire.
Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimaha wax ka beddelka dastuurka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo weliba dhincyo kale oo siyaasiya oo labada madaxweyne ay u ekaayeen in yihiin kuwo ku kala aragti duwan, taas oo ay ka mid tahay in madaxweyne Deni dhawr jeer ku eedeeyey Xasan Shiikh “takrifal“awoodeed‘ iyo in macnaha laga qaadayo xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku magacdheeraa Faroole, ee soo hugaamiyay Puntland, kaas oo salka ku yahay intiisa badan qaar ka mid ah qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.
Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.
Madaxda hadda ee Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabtay.
Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay, isaga oo bishii January mar kale dib loo doortay.