maxbuus dib ugu noqday halkii maalin ka hor laga sii daayay.
Mid kamid ah Maxaabiistii Somaliland ee dhowaan laga sii daayey Laascanood ayaa dhinaca Itoobiya kasoo galay Buuhoodle wuxuuna dib isugu dhiibay Maamulka SSC-khaatumo.
Sida radiohalgan.com u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo sarkaalkan ayaa sheegay in uu doorbidayo la noolaanshaha dadka reer SSC iyo deganaanshaha magaaladii uu maxbuuska ku ahaa Laascanood.