Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah diyaaraddooda oo u duushay caasimadda Somaliland ee Hargeysa dib loo celiyay ka hor intii aanay ka bixin hawada Itoobiya.
Sida uu sheegay madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew Bekele diyaarada oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maadaama aanay fasax ka heysan Soomaaliya.
Madaxa Ethiopian Airline Mesfin Tasew Bekele ayaa yidhi:-
βDiyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay. Sababtoo ah markii ay duushay, waxay suβaali ka timi in aanay ogolaansho laga helin Soomaaliyaβ ayuu yidhi.

