Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Weliye ayaa kulan mira dhal ah la qaatay qaar kamid ah Nabadoonada dhaqanka Beesha Cali Madaxweyne gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka doorka aay ka qaateen Nabadda Midnimada iyo Horumarka waxuuna ugu baaqay in aay dadaalkooda laba jibaaraan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye tan iyo markii xilka loo magacaabay waxuu dar-dar galshay howlaha maamulka Nabadda iyo is dhaxgalka bulshada, waxuuna si dhow ula shaqeeyaa qeybaha bulshada oo Odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan