Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye oo gordhow gaaray furumaha dagaalka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa durba isku duba riday ciidamada difaaca deegaanka ee Macawiisleyda beesha Yabar-dige.
Ciidamada Macawiisleyda beesha Yabar-dige oo wata 10 kamid ah gaadiidka dagaalka ayaa gordhow ka amba baxay magaalada Beledweyne si aay ugu biiraan howlgalka Khawaarijta ka fhanka ah ee ka socda inta u dhaxeysa Moqokori iyo Aadan-Yabaal.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye ayaa durba la dareen noqday bulshada halgalna ku jirta waxa uu gaaray furimaha dagaalka isaga oo isku duba riday boqolaal kamid ah ciidamada Macawiisleyda beesha Yabar-dige kuwaasi oo furimaha dagaalka degmada Moqokori ku wajahan.
Xildhibaaanada kale ee beesha Xawaadlle waxaa loogu fadhisaa in aay ku daydaan Xildhibaan Buraalle oo muujiyay geesinimo iyo garab istaag isla markaana ku dareen noqday bulshada uu mato ee dagaalka xaqa ah ku jira.