Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-k-ii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda
Muqdisho, 26-Oktoobar-2024: Dowladda Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-k-ii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS.
Wasiirka Batroolka XJFS waxa uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Dowladda Hirshabeelle shirarkaasi oo sababay qal-qal amni iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka Dowladda Hirshabeelle mana ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeedanna ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro si uu u gaaro danahiisa gaarka ah.
Dowladda Hirshabeelle jiritaankeeda iyo dhismaheedaba waxuu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ee Federal-ka Sooomaaliya qoddobadiisa 48-aad iyo 49-aad.
Sidaas darteed, waxaa nasiibdaro ah iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheeyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho taas oo wiiqeeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deeganada Hirshabelle sida uu qabo dastuurka Dowladda Hirshabeelle qoddobka 2-aad farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelle.
DHAMMAAD