Magaaladda Baladwayne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda shir uu hogaaminaya Ugaaska guud beesha Xawaadle ayna qayb ka yihiin siyaasiyiinta, Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala ee Bulshada.
Sida ay radiohalgan.com u sheegeen goobjoogayaal waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro war Murtiyeed ay jiraan balanqaadka beesha ee ah in ay si adag iska difaacaan Al-Shabaab iyo diidmadood maamulka Hirshabeele oo ay mudo dhaliil sanaayeen.
Ugaaska iyo hogaanka dhaqanka ayaa adkeeyay midnimada beesha iyo fulinta go’aamada lagu heshiiyay.