Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa maanta gaaray degmada Maqokori ee gobolka Hiiraan. Safarkiisa ayaa la sheegay inuu la xiriiray qiimeynta xaalada amni ee gobolka iyo xoojinta howlgallada ka dhanka ah AS,
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in Sanbaloolshe uu kulamo la yeeshay saraakiisha amniga ee halkaas jooga iyo masuuliyiinta maamulka deegaanka, isagoo dhiirrigeliyay dadaallada socda.