Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » DEG DEG: Safiirka Itoobiya oo raali-galin ka bixiyay ‘gefkii uu kula kacay’ Soomaaliya

    DEG DEG: Safiirka Itoobiya oo raali-galin ka bixiyay ‘gefkii uu kula kacay’ Soomaaliya

    By radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

    Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    “Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha wuu gaabiyay (sidii la rabay uma dhameyn), taasi oo keentay in aan ku qanacsanayn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

    Sidoo kale wuxuu tilmamay in ujeedkiisu uusan ahayn inuu dhaawaco xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo hada ay u dhexeyso xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiska badda.

    “Ereyadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga (Soomaaliya iyo Itoobiya). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu markale yiri Mukhtaar.

    Raali-galinta safiirka Itoobiya ayaa imaaneysa kadib markii dowladda federaalka ay cadaadis ku saartay inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii uu kula kacay Soomaaliya, sida ay illo diblumaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda uu shaqada diblumaasiyadeed u joogay ee Muqdisho.

    Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa horay u taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

    “Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu horay u yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu wareysigiisa uu  ku sheegay in Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

    Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

    Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.