Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » DEG DEG: Safiirka Itoobiya oo raali-galin ka bixiyay ‘gefkii uu kula kacay’ Soomaaliya

    DEG DEG: Safiirka Itoobiya oo raali-galin ka bixiyay ‘gefkii uu kula kacay’ Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 28, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

    Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    “Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha wuu gaabiyay (sidii la rabay uma dhameyn), taasi oo keentay in aan ku qanacsanayn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

    Sidoo kale wuxuu tilmamay in ujeedkiisu uusan ahayn inuu dhaawaco xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo hada ay u dhexeyso xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiska badda.

    “Ereyadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga (Soomaaliya iyo Itoobiya). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu markale yiri Mukhtaar.

    Raali-galinta safiirka Itoobiya ayaa imaaneysa kadib markii dowladda federaalka ay cadaadis ku saartay inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii uu kula kacay Soomaaliya, sida ay illo diblumaasiyadeed u sheegeen Caasimada Online.

    Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda uu shaqada diblumaasiyadeed u joogay ee Muqdisho.

    Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa horay u taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

    “Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu horay u yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

    Sidoo kale wuxuu wareysigiisa uu  ku sheegay in Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

    Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

    Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.