Safaaradda Maraykanka ee Riyaad, caasimadda Sacuudiga ayaa dab ka kacay kadib markii lagu dhuftay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyuhu wadin ee Iiraan.
Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa xaqiijisay weerarka balse waxa ay sheegtay in khasaaruhu kooban yahay oo uu yahay mid hantiyeed oo dhismaha gaadhay.
Iiran ayaa sii wadda weerada ay ku qaadayso saldhigyada iyo xarumaha kale ee Maraykanku ku leeyahay waddamada Khaliijka.
Maraykanka dhinaca kale waxa uu sheegay in laga dilay lix askari tiro kalena laga dhaawacay.
Maraykanku waxa kale oo uu caawa farriin u diray muβwaadiniintiisa ku sugan waddamada Khaliijka oo uu ugu baaqay in ay degdeg uga baxaan khatar jirta awgeed.
Gallaydh TV

