Dagaal xooggan ayaa goordhow ka qarxay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo hubka culus ee la isu adeegsanayo laga maqlayo gudaha magaalada iyo banaankeeda.
Dagaalkan ayaa kusoo aaday iyadoo kulan uu haatan uga socdo madaxtooyada Muqdisho madaxweyne Xasan iyo wakiilada beesha caalamka oo ku saabsan xal u helista xiisadda Baydhabo.
Ciidanka Huwanta ayaa sacadihii la soo dhaafay kulaalaayay magaalada Baydbabo.
Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur, ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay in ay ciidanka soo dhaweeyaan.
“Shacabka Reer Baydhabo ha is dejiyaan caanaha wiilashiida ha u diyaariyaan, dulmigii lagu haayey maantuu ku egyahay inshalah” ayuu yiri.
La soco wixii ka soo kordha.

