Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir ku-xigeen cusub u Magacaabay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya
Wareegto ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Xilkan ayaa waxaa iska casilay shalay Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka soo jeeda degaanada Jubbaland kaasoo qoraal uu soo saaray ku eedeeyey Xukuumada Xamse Barre inay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay.
Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa la sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha Axmed Madoobe oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo madaxda DF.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.