Raisalwasarihii hore Ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas khalif oo ka mid ah Ugaasyada aad looga qadariyo gayigeena Soomaaliyeed.
Raisalwasare Rooble iyo Ugaaska ayaa iska wareystay xaalada guud ee Dalku ku sugan yahay gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasada.
Rooble ayaa si gaar ah Ugaaska u gaarsiiyay fariin Bogaadin iyo Mahadcelin ah una diray shacabka Gobolka Hiiraan doorkooda taariikhiga ah ee la dagaalanka Khawaarijta.
sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Xildhibaannada, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku wehliyay kulankaan.