Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay weerar ku bilaabmay gaadhi qarax laga soo buuxiyey kaas oo lala eegtay xaruunta nabad sugidda gobolka Banaadir ee Godka Jilic halkaas oo aan sidaa uga fogayn xaruunta Soomaaliya looga taliyo ee Villa Soomaaliya.
Koox hubaysan ayaa gudaha u gashay xaruunta iyada oo la soo werinayo in ay ilaa hadda halkaas ka dhex dagaallamayaan oo ay dedaal ugu jiraan sidii ay u sii deyn lahaayeen maxaabiista u xidhan arrimaha argagaxisannimo ee halkaas lagu hayo.
Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa soo tebinaya in xaruunta uu shir uga socday saraakiisha haayadda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA kuwaas oo Sabti kasta halkaas shir ku yeesha.
Lama oga faah faahinta khasaaraha weerarkan ka dhashay waxana weli socda dagaal lagula jiro kooxda xaruuntan weerarka ku soo qaaday.
Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta dawladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in la furay in ka badan 50 waddo oo xidhnaa muddooyinkii la soo dhaafay kuwaas oo ay dawladdu sheegtay in la furay maaddama oo la sugay amniga caasimadda Soomaaliya.
Sidoo kale maalintii shalay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaca ka qaaday in magaalada amnigeeda guud ahaanba uu sugan yahay isaga oo madaxda mucaaridka uga digay in ay magaalada ku dhex wataan gadiidka uu hubku saaran yahay.