Pakistan oo ridday diyaarado Hindiya leedahay iyadoo adeegsatay gantaal casri ah oo ay Shiinaha ka heshay!
waxay isticmaashay gantaalka cirka-cirka ee PL-15E, oo ay Shiinaha ka heshay, si ay u riddo labo diyaaradood oo Hindiya leedahay, midkoodna uu ahaa Rafale mid kamid ah kuwa ugu haiista badan dunida.
Gantaalkani wuxuu leeyahay masaafo gaaraysa 145 km wuxuuna leeyahay raadiyaha cusub ee AESA radar.
Gantaalkaas waxaa laga soo saaraa warshad si buuxda robotic u shaqeysa oo ay leedahay Shiinaha – taas oo muujinaysa tignoolajiyada sare ee hubka casriga ah.
Xiisaddu waxay cirka isku shareertay, iyadoo dagaalka cirka uu gashay marxalad cusub oo halis ah.