Mucaaridka Soomaaliya oo dib u dhigay bannaan bixi loo ballan salaan maalinta berri ah ee 27-ka bisha September.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mucaaridka Soomaaliya lagu qanciyey in ay dib u dhigaan bannaan baxyadii subaxda berri ah loo ballansanaa ka dib markii odayaal is xilqaamay ay u kala dab qaadeen dhinacyda Mucaaridka iyo xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.
Mucaaridka ayaa aqbalay in ay muddo dib u dhigaan bannaan baxyadan oo ahaa kuwo abaabulkoodu socday saacadihii la soo dhaafay, kaas oo ka dhashay xiisadda iska hor imaadkii ka dhacay Saldhiga degmada Wardhiigley ee magaalada.
Kooxaha mucaaridka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qorshanayey in ay bannaan bax ka dhigaan degmooyinka Dayniile, Hodan, Wardhiigley iyo Yaaqshiid kuwaas oo ah xaruumo musharraxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Khayre iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Gallaydh TV