Trump oo hadda baryaya nabad ka dhex dhalata Iran iyo Is^raa’iil
Trump oo maalmo kahor ku faanayayey in uu Iran jilbaha dhulka ugu dhuftay, madaxdii ciidamadana laayey, ayaa maanta bartayaya nabad ka hanaqaada Bariga Dhexe, siiba Iran iyo Israa’iil.
Trump ayaa yiri hore waxaan nabad ka dhex dhaliyay Hindiya iyo Pakistan, haddana anoo awoodda ganacsiga Mareykanka isticmaalaya waxaan bilaabayaa in aan ka shaqeeyo nabad ka dhex dhalata Iran iyo Israa’iil.
Trump ayaa ku soo gabagabeeyey, “Wax badan baan qabtaa laakiin cidina iima qirta, laakiin taasi waa OK, dadku waa FAHMAYAAN.”