Safaaradii Maraykan ee Kuwait ayaa albaabada loo laabay ilaa amar dambe baqdin laga qabo weeraro kaga yimaada dawladda Iiraan awgeed.
Qoraalka safaarada ayaa lagu sheegay in xiisadda taagan awgeed goβaankan loo qaatay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xalay laba diyaaradood oo nooca aan duulliyaha lahayn Iiraan ku weerartay safaraadda Maraykanka ee magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga.
Wasaaradda Gaashaandhigga Sucuudiga ayaa sheegtay in khasaaraha safaaradda gaadhay kooban yahay.
Arrintan waxa kale oo ay imanaysaa xilli Maraykanku uu muβwaadiniintiisa ugu baaqay in ay degdeg uga baxaan inta badan waddamada Khaliijka cabsi jirta awgeed.

