Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, kaasoo Muqdisho ka furmi doona boshan 15 June.
War saxaafadeed Villa Somalia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinauo muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah ah oo ku dhisan xeerinra danta guud in Madaxweynuhu sii wadi doono kulamo wadatashi ah oo loogu gogol xaarayo shirkaas, sidoo kale diiradda lagu saarayo arrimaha hortebinta u leh dowlad dhiska oo ay ka mid yihiin amniga, ciribtirka argagixisada, dhameystirka Dastuurka, Midnimada iyo dhab u heshiisiinta.