Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaas ugu sugan halganka Dagaal ee Dalka lagaga Xureynayo maleeshiyada AS
Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.