MW Shariif: “Ciidanka Soomaaliyeed looma dhisin dhulboob ee Cadowga ayaa loo dhisay”.
Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado dad danyar ah ay ku nool yihiin.
Waa ayaan darro iyo wax aan sinnaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan oo dalka u dhaaratay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka uu iyagii kusoo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii Xoogga.
Ciidamada Soomaaliyeed waxaa loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda ee looma dhisin, in loo adeegsado dhulboob, caburrin bulsho iyo danno siyaasadeed oo gaar ah.
Waa in Madaxweynuhu si deg deg ah u joojiyo dagaalkaas xaq- darrada ah ee aysan ku jirin wax dalka iyo dadka toonna maslaxad u ah
Waxaan sidoo kale uga digayaa saraakiisha ciidamada noocyadooda kala duwan inay aqbalaan amarro khaldan oo baal marsan shuruucda ciidanka ayna ku koobnaadaan waajibkii ay u