War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Wasaaradda Amniga gudaha waxaa ciidamada looga mamnuucay in ay ilaalo u noqdaan musharrixiinta faraha badan ee kusii qulqulaya Magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u Dowlad-Goboleedkaas.
Ciidamada heer federaal & kuwa heer Dowlad-Goboleed ayaa lagu wargeliyay in ay joogaan goobaha ay ku shaqeeyaan, ciddii amarkaas qaadan weysa ayay Wasaaradda Amniga sheegtay in ay ka qaadayso tallaabada ku habboon.
Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in musharrixiinta u tartameysa kuraasta kala duwan ee doorashadooda dhowaan uu Dowlad-Goboleedka Jubbaland qabanayo wargelin sameeyaan si loogu diyaariyo ilaalo.
Qodobka 4aad ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ay soosaartay ayaa lagu muujiyay in ammaanka Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas uu yahay mid la isku haleyn karo, sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in dhaawac loo geysto.
Halkaan hoose ka aqriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga DG Jubbaland:
Madaxweynaha haatan xilka haya ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowaan sheegay in uu qabanayo Doorasho, waxaa jira musharrixiin badan oo walaac ka muujinaya si wax loo maamulayo.