Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib markii dowladda Congo ku eedeysay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibrahim Abdulle,
in lagu qabtay isagoo tahriibinaya dahab iyo macdano kale.
Wararka ka soo baxay Congo ayaa sheegay in safiirku uu watay ganacsato Kenyan ah oo la sheegay inay ka faa’iidaysanayeen xasaanadda safaaradda Soomaaliya, taas oo caado ahaan difaac ka siisa baaritaanka kastamka iyo booliska.
Markii arrintu soo baxday, safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in safiirku u joogay Congo arrimo ganacsi oo quseeya Soomaali, isla markaana eedeymahaas lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Hase yeeshee, jawaab celin degdeg ah ayaa ka timid safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Ilyas Ali Hassan, kaas oo ku dooday in safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ay masuul ka tahay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Congo, isla markaana aan loo dul qaadan karin in howlahaasi si toos ah loogu wareejiyo safiir kale
Khilaafkan ayaa muujinaya xiisad hoose oo muddooyinkii dambe ka dhex taagnayd ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee labadan wadan , iyadoo falcelinta labadan safiir ay soo shaac bixisay ismarinwaaga ku saabsan dilaal ka macdanta Congo iyo kala jiidashada dadka macdanta tahriibiya