Dowladda Iran ayaa weerar gantaallo ballistic ah ku qaaday Israel, iyadoo sheegtay in uu yahay aargoosi ka dhan ah weerarro Israa’iil la beegsatay xarumaha nukliyeerka iyo saraakiil sare oo Iranian ah.
Hogaamiyaha Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku dhawaaqay in Iran ay “ciqaab daran” ku ridday Israel, isagoo yiri: “Tani waa tallaabo dhab ah, ma aha mid muuqaalo ah oo kaliya.”
Gantaallada ayaa sababay qaylo-dhaan (sirens) ka yeertay magaalooyin badan oo Israa’iil ah, sida Tel Aviv .
Difaaca hawada Israa’iil ayaa la sheegay in ay weerarka iska difaacday waa sida ay hadalka udhigeen walow warbahinta qaar ay so bandhigayan dhsimoyin gubanaayo.
Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, balse xiisadda gobolka ayaa sare u kacday, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii fido.