DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka
Warar deg-deg ah oo laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shir xasaasi ah oo ka socday Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu gaaray go’aan muhiim ah oo la xiriira xallinta xiisadda siyaasadeed iyo militari ee ka taagan gobolka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in:
“Hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed ay isku raaceen in xaaladda lagu dhammeeyo is-afgarad iyo wada-hadal, si looga fogaado isku dhac hor leh.”
Hoggaanka Oo Baneynaya Talada
Xoga hal dhinac ah oo la helayo waxay muujinayaan in hoggaanka maamulka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen), ay oggolaadeen:
• In la banneeyo talada maamulka
• In la bilaabo marxalad kala guur ah
• In xal siyaasadeed laga hormariyo mid militari
Si kastaba, wali ma cadda faahfaahinta heshiiska, qodobada lagu heshiiyay, iyo cidda si rasmi ah ula wareegi doonta maamulka inta lagu jiro kala guurka.

