Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Md Cabdiqaadir Axmed AW-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay ku-simaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Mudane Carsten Carlsen.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, barnaamijyada xasillinta, iyo iskaashiga mustaqbalka ee u dhexeeya labada dhinac.
Kulanka wuxuu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta deegaannada ay mas’uulka ka tahay.