Ciidamo iyo gaadiid dagaal uu hoggaaminayo Col. Isaaq Cali Cabdulle, islamarkaana ka socda beesha Jijeele, oo ah gurmad garab istaag ah oo ku wajahan dagaalka xaqa ah ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ayaa goordhow gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Ciidankaasi oo ah hordhac ay beesha Jijeele ku garab istaagayso beesha Xawaadle ee ku jirta dagaalka xaqa ah, ayay sidoo kale beeshu ku wareejin doontaa raashin iyo xoolo nool ciidanka ku sugan jiidaha ay beesha Jijeele la garab taagan tahay walaalahooda Xawaadle.
Beesha Jijeele, oo horey dhulkeeda uga saartay argagixisada toban sano kahor, ayaa noqoneysa beesha kaliya ee si muuqata u soo ugu gurmatay walaalahooda Xawaadle, iyadoo ilaa deegaanka Quracajoome ay saacadihii la soo dhaafay ka soo daad gureysay ciidan iyo gaadiid dagaal.