Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa daaha ka qaaday garoonka lagu furayo ciyaaraha Koobka Adduunka 2026, kaasoo lagu qaban doono qaaradda Waqooyiga Ameerika.
Koobka Adduunka 2026 waxaa lagu qaban doonaa seddex wadan: βAmerica, Canada iyo Mexicoβ oo si wada jir ah loogu qaban doono.
Garoonka caanka ah ee Azteca Stadium ee ku yaala magaalada Mexico City ee dalka Mexico ayaa lagu qaban doonaa kulanka furitaanka koobka adduunka.
Ciyaarta furitaanka ayaa la qorsheeyay in lagu qabto June 11, 2026, garoonka Azteca, oo horay u martigeliyay laba koob oo adduun.
Ciyaarta ugu dambeysa ee Koobka Adduunka 2026 ayaa lagu qaban doonaa New York, New Jersey, July 19.
Waxaa xusid mudan in saddexda kulan ee ugu horreeya Koobka Adduunka, sida ay u kala horreeyaan, lagu qaban doono garoomada βAztecaβ ee Mexico 11-ka Juun, βLos Angelesβ ee Ameerika, iyo βTorontoβ ee Canada 12-ka isla bishaas.

