DEG-DEG: Firxadkii Isra’iiliyiinta ayaa gaaray Bulgaria, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Bulgaria, Georg Georgiev, uu ku soo dhaweeyay Isra’iiliyiintii laga daadgureeyay Israa’iil garoonka diyaaradaha ee Vasil Levski ee magaalada Sofia, iyadoo xiisaduhu cirka isku sii shareerayaan.
Horay waxaa doomo yar-yar dalka ugu baxsaday Isra’iiliyiin iyagoo gaaray Jaziiradda Khubruz, halka qaar kalana ay gaareen Giriigga.