Lix qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Qadar, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.
Qadar ayaa goor hore oo saakay ah sheegtay in diyaaradda helicopter-ka ay ku jirtay “shaqo joogto ah” ayna cillad farsamo soo wajahday.
“Dadaallada raadinta waxay keeneen in la helo lix ka mid ah toddobada qof ee saarna,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay ku soo wadaagtay X.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba qof oo rayid ah oo Turki ah iyo hal askari oo Turki ah.
Macnaha guud: Qadar waxaa saameeyay duqeymaha Iran toddobaadyadii la soo dhaafay, todfobbaadkanna Iiraan ayaana duqeysay xarunteeda gaaska ee ugu weyn. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in dhacdadan helikobtarka ah ay xiriir la leedahay dagaalka Iran.

