-Dagaal xooggan ayaa xilligaan ka socda Tuulada Galcad ee Gobolka Hiiraan ee u dhaxaysa Deegaanka Abooreey iyo Halgan.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Deegaanka iyo dagaalameyaasha AS kaasi oo sababay khasaara xooggan.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in goob ay isku uruursanayeen Dagaalameyaasha AS la ogaaday kaddibna weeray ay ku qaadeen Ciidanka Deegaanka ee Hiiraan.
Dagaalka Ayaa Soconaya Saacado maadaama uu Salaaddii Duhur Ka Dib bilowday.