DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya Magaalada
Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu ka socdo magaalada, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka ah ay xilligan madaafiic culus ku garaacayaan gudaha Doolow.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA ay kulamo gaar ah ku yeesheen magaaladaas, taasoo muujinaysa xiisad amni oo si lama filaan ah u kacsatay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicda ay si toos ah u beegsanayaan meelo kamid ah xaafadaha magaalada, waxaana jira cabsi xoogan oo ka dhex taagan shacabka rayidka ah.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse xaaladdu waa mid aad u kacsan.
Wixii faahfaahin ah ee dheeraad ah kala soc