Daagal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo Khawaarijta ayaa ka socda deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno Khawaarijta kamid ah weerar qaraxyo ku biloowday aay ku qaadeen fariisin ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Ceel-hareeri.
Geesiyaasha Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle ayaa fa shiliyay dhagarta khawaarijta waxaana jab xoogan la gaarsiiyay. Al hhaaAAlaA
oo ka faa’ideeysaneynsa xil ka qaadista Agaasimaha Nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa masuul aay ka go’an tahay dagaalka Khawaarijta iyo keenista Mahad Salaad oo khawaarijta in lala heshiiyo qabo, ayeey Khawaarijta waxa aay bilaabeen in aay dhaq-dhaqaaq sameeyaan madama uu meesha ka baxay Agaasime Sanbaloolshe oo Khawaarijta hurdo iyo hoyaad u diiday.
Deegaanka Ceel-hareeri ayaa Khawaarijta ku leeyihiin taarikh madoow oo dhanka dagaalka waxaana dhowr dagaal oo ka dhacay looga dagalay maleeshiyaad badan.