Dagaalkii ugu cuslaa oo u dhaxeeya Macawiisleeyda beesha Xawaadlle iyo Alshabaab ayaa ka socda deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan.
Warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Ururka 3-Aad ee ciidamada Duufaan ee NISA Cabdi Muumin Cilmi Xiish.
Macawiisleeyda beesha Xawaadlle ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad Al-Shabaab kamid ah oo ku sugnaa duleedka Ceel-hareeri.
Dagaalka ayaa dhowr jaho ka socda aad ayuu u xoogeestay, waxaana dhawaqa rasaasta dagaalka la isku adeegsanayo laga maqlayaa Aadan-yabaal iyo Ceel-hareeri.
Kaalinta dowladda dhexe ayaa dagaalka ka maqan Macawiisleeyda beesha Xawaadlle ku jira dagaal xaq ah oo jiri taankooda iyo sharafkooda ku difaacayaan.